Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Lacagta iyo dhaqaalaha

In kasta oo aan badaaa laga hadlin, arinta lacagta ku saabsani waa mowluuc muhim ah Swiiska dhexdiisa. Nolosha Swiisku waa qaali, oo aragga hore, wax kasta oo ku saabsan lacag iyo dhaqaalaha ba waa arin qalafsan sida ay noolo muuqato. Shaqooyinka ama hawlaha ku saabsan dhaqaalaha: sida lacag ama mushahar bixin, keydsi, deyn bixin, maalgelin iwm., waa la sii mariyaa ama bixiya Postada, ankiyada, iyo maamulada dhaqaalaha gaarka ah.

  • Sidee koonto loo furtaa?
  • Waa maxay waxa I suurtagelinaya in aan waa keydsado?
  • Sidee loo maareynayaa deynta loo qaato kharajka guud iyo dhismaha wixi la xiriira
  • Sidee baa lacag ugu diri karaa dadkeyga iyo dalkeyga?
  • Sidee aan deyn u qaadan karaa ama u bixin karaa?

Waxa la isku deyayaa in suaalahaas oo dhan laga jawaabo


Bankiga iyo Poostada

Boostada ka sokow, bankiyada iyo heyadaha dhaqaalaha ayaa kaa kaalmeynaya kaala na shaqeynaya. Waxa muhim ah in aad taqaanid halka aad ku hagaageysid oo aad dooratid waxa dantaadu ku jirtodooratid.


Poostada Swiisku ma ha bangi, Laakiin xafiisyada Poostadu waay qabtaan hawlo muhim ah oo ku saabsan arimaha dhaqaalaha. Cashuurta ama kharajka adeega Poostadu ka qaadato koontada keydka lacagta la dhigto ama waraaqda koontada waa ka yartahay kuwa bangiga, oo korsaarka poostadu dadka ka qaadato waa jabanyahay.


In this section: Koontada bankiyada ama poostada, Miisaaniyadda ama bajedka, Mawduuca lacag amaahashada, Deynta, themen/geld/sparen, themen/geld/zahlen, Lacagaha adag