Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Waxbarasho

Waxabarashada wadankan Swiisku waxay ka bilaabantaa heerka xadaanada ee caruurta yar-yar (jardan d’enfants) ilaa heerka jaamacadeed. Waxabarashadu waxay u furantahay qof kasta, waayo waa xil qaranka ka saaran bulshada.
Nidaamka waxabarasho iyo fulinteeda waxa awood u leh 26 da Kantoon ee uu ka koobanyahay wadanka Swiisku. Hadaba nidaamka waxabarasho iyo manhajyada u degsan ba waa ku kala duwanyihiin kantoonadu oo farqi ayaa ku kala jira. Taas waxa khaas ahaan laga dareemi karaa sida loo barto loo na dhigo afafka wadanka iyo ajnebiga.
Waxabarashada heerka xadaanada ilaa heerka dugsiyada khasabka ah waxa maamula maalgelinteeda na leh Kantoonada, ayada oo lala kaashanayo degmooyinka iyo magaalooyinka ilaa heer tuulo.


Fiiro gaar ah

Waxa dhici karta in ay dhibaatooyin uga imaadaan ardeyda ka bedesha dugsi oo magaalo kale u bedesha, ama ka guura kantoon oo u guura kantoon kale  ayaga oo ku jiraan waxbarashada heerka khasabka ah, waayo waxa kala duwan nidaamka dugsiyada kantoonada. Sababtaas awgeed, kantoonadu waxay sanooyinki na soo dhaafay ka shaqeynayeen sidi la isugu soo dhoweynlaha nidaamka waxbarasho ee heerka khasabka ah ee kantoonada iyo magaalooyinka (Harmos).


Dowladda Federaalka
Dowladda fereraalku waxa qura oo ay maamusho xaga waxbarashada waa labada dugsiyada heerka sar-sare ee kala ah : dugsiga Pooliteknikada Federaalka ee Zurich iyo dugsiga politeknikada Federaalka ee Lausanne.


Sanad dugsiyeedka iyo fasaxyada

Sanad dugsiyeedku wuxu bilaamaa inta u dhexeysa bisha agoosto iyo sebteembar. Ardeyda dhigata dugsiyada khasabka ahi waxay leeyihiin  sanadki 12 ilaa 13 usbuuc oo fasax ah. Xiliyada fasaxa la qaato oo dugsiyada la xiro waa ku kala duwanyihiin kantoonadu oo mid ba midka kale waa ka duwanyahay, sidoo kala degmooyinka iyo magaaloyinku na waa ku kala duwanyihiin.


Noocyada Dugsiyada

Kantoon kasta wuxu caruurta siiyaa waxbarasho heerka xadaanada oo ah 1 ila 2 sano (heerka waxbarasho ee ka horeysa dugsiyada aasaasiga ah). Caruurta kantoonka Tessin, waxay qaataan 3 sano oo ah heerka xadaanada. Heyadda Harmos waxay dooneysaa in khasab laga dhigo dugsiyada xadaanada.
Caruurtu waxay dugsiyada khasabka ah gelikaraan oo ay u bilaabataa marka dedoodu gaarto 6 jir. Muddada dugsiyada khasabka ah ay dhiganayaan waa 9 sano oo xiriir ah. Heerkaasu na wuxu u kala qaybsanyahay 6 sano oo ah dugsida hoose iyo 3 sano oo ah heer dugsi dhexe-sare. Dusiyada ay dowladdu maamusho waa lacag la’aan cunug kasta na waa u furanyahay.
Dhalinyarada ay dedoodu u dhexeyso 18 ilaa 19 sano ee wadankan Swiiska, waxay badankoodu galaan imtixaanka ugu dambeya ee heerka dugsiga sare II. Marka ay taas ka gudbaan, waxay fursad u helayaan in ay galaan dugsiyada farsamada ama dugsiyo heer sar-sare (ES). Haddii ay ardeydu qaataan shahaadada heerka sare ee loo yaqaan Jimnaas (maturité gymnasiale) ama dugsiyada sare ee farsamada, waxay toos u gelayaan waxbarashada heerka jaamacadeed ama heerka sar-sare ee pooliteknikada (haute école spécialisée) iyo waxabarashada heerka sare ee takhasuska (HES).
Xaga nidaamka dugsiyada shacbiga (public école) ka sokow, swiisku wuxu leeyahay oo laga heli karaa dugsiyo gaar ahaaneed oo heer kasta oo waxbarasho kala duwan leh. Waa dugsiyo gaar ahaaneed oo lacag ah.


Xornimada uu qofku u leeyahay in uu raacao waxbarashada laanta iyo maadada uu doono

Wadankan, qof kastaa wuxu xaq u leeyahay in uu doorto waxbarashada laanta uu doono iyo maadada uu raacayo, mar hadduu la yimaado ama ka jawaabo shuruudaha u degsan dugsiyada oo looga baahanyahay. Xataa wuxu ardeygu awoodi karaa in uu waxbarashada heerka jaamacadeed ama takhsuska ku barto meesha uu doono, kantoon iyo magaalo ba.
Dhabcan waa jiraan shuruudo adag oo xadadaya tirada ardeyda la qaadan karo iyo inta ardey oo dooneysa iyo jagooyinka markaas banaan, khaas ahaan marka la qaadanayo ardeyda geleysa dugsiyada farsamada iyo xirfadaha. Taasu waxay ku xiraantahay inta ardey uu dugsigu awood u leeyahay in uu qaato.

Shahaadooyinka laga qaato dugsiyada wadanka waa laga ictiraafsanyahay meel kasta, saas darteed, aqoonyahanadu ama farsamayaqaanadu waxay xor u yihiin dhaqdhaqaaq furan oo meeshi ay doonaan ayey kaga shaqeysan karaan aqoontooda wadanka iyo dibadda ba.
Dowladu waxay siyaabo kala duwan u taageertaa wabarashada farsamada iyo waxbarashada joogtada ah ee loo fidinayo dadka waaweyn. Kantoonadu waa ku kala duwanyihiin sida deeq loogu fidinayo loo na taagerayo waxbarashada noocaas ah. Guud ahaan qastiga laga leeyahay waa in loo fidiyaa dadka waxbarasho u jiheysan in ay soo saarto farsameyaqaano iyo xirfadleyaal leh shahaado la ictiraafsanyahay.

In this section: Waxbarashada joogtada ah , Minxada iyo deeqda waxbarasho, Dugsiyada derejada labaad II, Aqoonsiga shahaadooyinka, Jaamacadaha iyo dugsiyada heerarka sar-sare, Barashada luqadaha wadaniga ah ee Swiiska , Dugsiyada heerka xadaanada iyo qastiga laga leeyahay, Sida Swiiska loogu soo geli karo dow waxbarasho iyo kororsi aqooneed, Dugsiyada heerka xadaanada iyo qastiga laga leeyahay, Dugsiyada heerka khsabka ah, Waxbarashada Farsamada

Related links: