Sida loogu noolyahay Swiiska: Wararka iyo talooyinka loogu tebinayo e-mailka  

Waanada qof ba qofka kala u soo jeedinayo


Shaqaalaha iyo kaaliyeyaasha Migraweb waxay diyaar u yihiin in ay kaaga jawaabaan kharaj la’aan qoraalada aad ku soo dirtid qalabka elektrooniga sida e-mailka.
Xiriirka iyo iskaashiga qof ba qofka kale caawino waa lagamamaarmaan.
Kaalmada iyo soo dhoweynta ay kuu fidineyso heyadda Migraweb.ch, ma bedeli karto kaalmada aad uga baahantahay xagga sharciga iyo xagga caafimaadka. Haddii aad u baahantahay arin ku saabsan sharci, waxa kaa kaalmeyn kara garyaqaan. Haddii ay kula soo gudboonaato arin aad u qalafsan, waxan kugula talineynaa in aad la xiriirtid heyadaha iyo dadka xirfadda iyo aqoonta gaarka ah u leh, sida takhaatiirta iyo garyaqaanada.

Qoraalada aad noogu soo dirtid qalabka elektrooniga waxan kaaga jawaabeynaa 48 saac gudaheed. Haddii Migraweb uuyan markaas karikarin in uu kuu soo jawaabo, waxa laguu qabanayaa balan kale. Haddii ay jiraan cilado ama mushkilad kale, waxan kuugu yeereynaa in aad nagala soo xiriirtid nambarkan telefoonkeena 143 ee Gacanta Fidsan (Main Tendue).


Guud ahaan Swiiska iyo boqortooyada Liechtenstein oo ku dhextaal Swiiska, waxad ku la xiriiri kartaa telefoon 24 ka saac, waxad na kula hadli kartaa afafka faransiiska, jarmalka iyo talyaaniga.


Is diiwaangeli oo si wacan u akhriso shuruudaha u degsan heyadan ee noo soo dir e-mail.

Waanada qof ba qofka kala u soo jeedinayo

Login



Register